Hot Topics

Video:-Maxaa kala socotaa shaqada kooxda wareegta ee w.caafimaadka Puntland?

Kooxda loo yaqaan Mopile-ka ama kooxda wareegta ee wasaarada caafimaadka Puntland,ayaa ah koox u taagan har iyo habeen ka gurmashada xaaladaha caafimaad ee deg-deg ah goor walba iyo gobol walba oo Puntland ka mid ah.
 
Kooxdan ayaa aad loogu dirsaday waxayna ka gurmadeen oo door lixaad leh ka qaateen xaalado caafimaad oo deg-deg ah oo soo wajahay dalka.
 
Waxay ka qaybqaateen oo door muuqad ku lahaayeen ugurmashadii dadki abaaruha iyo caafimaad daridu saameysay,
 
Waxay ka gurmadeen oo garab taagnaayeen ciidamada difaaca Puntland xiligii ay dagaalada adag la galayeen kooxaha alshabaab iyo Daacis ee argagixisada ah.
 
Waxay ka gurmadeen xliyadii Roobabka dhaliyay caafimaad darada ay da’een.
 
Lama soo koobi karo xaaladaha caafimaad ee ay kooxdaas ka hawlgashay,isla markaana wax la taaban karo ka qabatay,hoos ka daawo muuqaal ka hadlaya waxqabadkooda iyo sida ay u hawlgalaan.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka