Hot Topics

Mid ka mid ah Ganacsatada Gaalkacyo oo ugeeriyooday qarax loogu xiray Gaarigiisa

Mid ka mid ah waxgaradka iyo Ganacsatada Gobolka Mudug oo lagu magacaabo ALLAHA u Naxariistee C/risaaq Muuse Nuur yare oo loona yaqaanay (Cali Jaxeer) ayaa ku geeriyooday goor dhawayd Qarax gaarigiisa loogu xiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
 
Cali Jaxeer ayaa kamid ahaa Ganacsatada Gobolka,waxayna walaalo ahaayeen Gudoomiye xigeenkii hore ee Gobolka Mudug Dabakariix,qaraxa gaari loogu xiray ilaa iyo hada ma jirto  cid sheegatay,balse waxaa falalkan dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ah lagu yaqaan fulintooda kooxaha argagixisada ah  ee alshabaab.
 
Gaalkacyo xaaladeeda amni ayaa aad u liidata xiligan lajoogo,waxaana shalay askari ka tirsan Booliska Mudug uu ku dilay Axmed Qodhob oo ahaa nin dhalinyaaro ah,aqoon yahan ah oo firfircoon.
 
Ilaa iyo hada laamaha amaanka Mudug ama kuwa dawlada dhexe ee Puntland kama hadlin dhacdooyinkan u danbeeyay iyo  amniga sii xumaanaya ee Gobolka,iyadoo Talyihii Booliska Puntland uu ku maqan yahay socdaal nashasho ah oo uu ku gaaray maraykanka.
 
Warbaahinta idilnews waxay tacsi udirayaan ehelkii iyo qoyskii ay ka kala geeriyoodeen Qodhob iyo Jaxeer oo shalay iyo maanta si kala duwan ugu dhintay magaalada Gaalkacyo.