Hot Topics

Gollaha wakiiladda Puntland” Isla xisaabtanku waa horu socodka Dawladnimada iyo naaxinta dimuqraadiyadda)

Gollaha wakiiladda Puntland” Isla xisaabtanku waa horu socodka Dawladnimada iyo naaxinta dimuqraadiyadd)-
 
Xildhibaan Faysal Cabdille Guuleed (Feysal Cabille Bidaar), oo kamida Barlamaanka Dawladda Federalka ee Soomaaliya ayaa – isagoo kusugan Muqdisho wuxuu ka hadlay xaallada kusoo korortay Dawlad Gobolleedka Puntland ee Soomaaliyeed:
 
Xildhibaan (Feysal Cabdille Bidaar), oo kamida Mudaneyaasha laga soo doorto Puntland, ayaa wuxuu ka hadlay siduu ‘u’ arko kala dirista Gollihii wasiiradda ee Dawlad Gobolleedka Puntland, oo ay kalsoonidii kala noqdeen Gollaha wakiilada Puntland. Wuxuuna yiri sidan:::
 
Gollaha wakiiladda Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay guten (Qodob) dastuuriya sida uu dhigayo (Dastuurka) Dawladda Gobolleedka Puntland ee Soomaaliyeed waxayna kamid tahay Dawlad wanaagga, Dimuqraadiyadda iyo isla xisaabtanka Gollayaasha Dawliga.
Waxaa lagu jira xili u baahan dhammaan bulshadu inay isku duubni iyo wada jir wax u wada qabsato waxaa jira Abaaro xaalad amni iyo dhaqaale xumo haysata guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed sidas darteed, waa in si wadajira shacab iyo Dawladd-ba la isku duubnaado.