Video:-Daawo Madaxweyne Gaas oo aqbalay cayrintii wasiirada ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweyne Gaas oo si rasmiya u aqbalay go’aankii Baarlamaanka Puntland ee kalsoonida kala noqoshada golaha wasiirada.
Madaxweynuhu waxuu sheegay in Xildhibaanadu ay guteen waajibaad qaran isaguna uu xil ka saaran yahay soo xulida wasiiro cusub oo uqalma masiirka umada in ay matalaan.
Madaxweyne Gaas waxaa horyaala fursad dahabiya oo uu ku sixi karo dhailiilihii maamulkiisa loosoo jeedinayay,sidoo kale waxuu haystaa fursad uu ku dooran karo dad matali kara Umada.
Madaxwaynaha Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Amniga iyo Xasiloonida wuxuuna sidoo kale Baaq u diray Ciidamada ammaanka Puntland isagoo faray inay adkeeyaan Amniga.
 
 
 
MUXUU DASTUURKA PUNTLAND KA QABAA KALSOONIDDA KALA NOQOSHADDA GOLLAHA WASIIRADDA?
 
Qodobka 67: Ee Dasuurka Puntland:
1: Golaha Wakiiladdu Waxay Kal sonidda kala Noqon karaan Gollaha Wasiiradda.
 
2: Kal Sooni Kala Noqoshadda Wasiiradda Waxaa soo Jeedin kara ugu Yaraan Lix xildhibaan.
 
3: Ka Doodida Mooshinka kalsooni kala Noqoshadda Golaha Wasiiradda Waa inay ogoladan Sadex Meelood Meel 1/3, oo Ah 22 Xildhibaan.
 
4: Kala bar iyo Hal (1/2+1) oo ah 34 Xildhibaan baa Kal Soonidda kala Noqon Kara Golaha Wasiiradda,
 
5:Haddii Ay Golaha Wasiiradu dhacaan Madaxweynu Wuxuu haystaa 21 bari Ama Cisho uu Ku soo magacaabo Golo Wasiiro oo Cusub.hoos ka daawo muuqalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka