Hot Topics

Dekeda Garacad,waxay ku dhowdahay in Imaaraadku ku yeesho Saamiga ugu badan

Dekeda Garacad,waxay ku dhowdahay in Imaaraadku ku yeesho Saami weyn oo noqon kara 51%.

Balse Gudiga Gacanta ku haya Dekeda Garacad,waxay shuruud ka dhigeen hadii ay ku wareejinayaan maamulka Imaaraadka oo Saamiga ugu badan uu yeelanayo in marka hore la fuliyo Mashaariicda lagu heshiiyay.

Weftigii qiimaynta utagay Dekeda ee ka socday dhanka imaaraadka,waxay la noqdeen,iyagoo kasoo afqaaday Gudiga Dekeda,isla markaana qiimayn rasmiya kusoo sameeyay Dekeda.,Walise go’aankii ugu danbeeyay lama kala qaadan.

Sida socota Imaaraatiyiintu,waxay ku badalanayaan Saamiga Sadex Mashruuc oo waa weyn oo kala ah…

1.Dhismaha Wadada Garacad-Goldogob.
2.Dhismaha Warshad Kalluumaysi Garacad.
3.Dhismaha Mashaariic horumarineed Galkacyo.

Sidoo kale,waxaa jirta Lacag hormaris ah oo Gacan buuxis fiican u ah Gudiga iyo Dowlada Puntland.

JQ.