Hot Topics

Faallo:-Mudug,waxay ubaahan tahay isla xisaabtan dhab ah??!

Gudoomiyaha Gobolka shaqada ugu badan ee utaala waa kala celinta Beelaha iyo ka hor tagida colaadaha,waana kasoo dhalaalay,isagoo waliba duruufo ku shaqaynaya.

Talyaha Qaybta Booliska,waa la mid amniga si buuxda,ayuu uga hawlgalay oo ugu taagan yahay har iyo habeen,waxaana dhacda ,isagoo hawl ujooga Goldogob in Jariiban dhacdo deg-deg ah oo aan looga maarmin ay ka dhacdo oo uu isla Habeen isku maro Dhul baaxadiisu dhan tahay 300 oo km,waxaana xaqiiq ah in aan loo dhiibin dhaqaalihii uu ku fulin lahaa adeega amniga,marka laga soo tago Mushahaar iyo adeeg yar oo soo daaha.

Duqa Magaalada Gaalkacyo,waa Ninka ay dul hoganayso Daruura Ceebeed,waana masuulka jooga Isha Dhaqaale ee wax laga qaban karo.

Dowlada hoose,waxaa usoo xarooda Sanadkii $2-Milyan iyo Lacag Guryaha laga qaado oo $250-kun ah.

Majiro Hal Mashruuc oo uu fuliyay iyo mid udiyaarsan oo uu fulinayo mana hayo aragti iyo qorshe waxqabad,walina Gaalkacyo waa dayacan tahay.

Hadii uu jiri karo Duq mudan in dib loo fiirsho mudnaantiisa Kursiga,waa Duqa Magaalada Gaalkacyo Xasan Jidxun.

Gobolka caqabadaha haysta,waxaa ka mid ah Nabadoonada oo ah kuwa xaqa Deegaamada udooda oo Dowladaha ku xiran,waxay Mushaari ka yihiin Dowlada Hoose iyo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Haatan MW iyo Xukuumada oo idil,ayaa kusii jeeda Gobolka.

JQ.