Hot Topics

Muxuu ka tarjumayaa Qoraalka ka soo baxay Xafiiska XSM ?

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska XSM,ayaa ka turjumaya:

1. Culeys uga yimid Beesha Caalmka oo dalbaya wada hadal iyo heshiis siyaasadeed.

2. ⁠Kulankii Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo looga dhawaaqay in Deeqaha Caalamiga aan la siyaasadeyn.

3. ⁠Beesha Caalamka,ayaa u balansan in ay Garowe tagaan oo kulan kula yeeshan Sacid Deni kaddib baaqashadii shirkii loo balansanaa ee Nairobi.

4. ⁠Kulanka PL,ayaa sidoo kale la filayaa in Deni lagu cadaadiyo ka laabashada go’aankii ay PL kalsoonida kala laabatay DFS.

5. Waxaa jira isku dayo Labada dhinac la isugu soo jiidayo in ay wadahadal isugu yimaadaan.

6. ⁠XSM,ayaa ka hordhacaya dadaalada Beesha Caalamka ee la doonayo in xal looga gaaro khilaafyada jira.

7.Waxa uu ka hordhacayaa hadalka ay jeedinayso Wakiilka Xoghayaha guud 25-ka Bishan oo la filayo in uu ka dhan yahay hogaaminta XSM.

Isku soo wada duuboo Xasan waxa uu ogaaday in halka loo socdo ay tahay Somali isqaadata,si gaar ah USA iyo UK waxay taagan yihiin Dowladnimada iyo midnimada Somalida.

JQ.