Jawaabta Cabaadka Feysal Cali Waraabe .Qaybtii Koowaad

 

Kolka aynu dib u daalacano Diiwaanka soyaalka taariikhda deegaankeena qarnigii aynu soo dhaafnay Shacabkeena  Labo mar ayuu guuldarro la kulmay.

 

  • JABKII DARAAWIISH 

 

Daraawiish ayaa halgan dheer oo dhiig badan ku daatay ayeey la gashay gumeystihii Ingiriis hilladii 1899-1920,wuxuu Ingiriis ugu dambeyn la yimid Dayuurado uu ku duqeeyey qalcadihii Daraawiish ee gobolada Nugaal,Sool & Sanaag,waxaa duqeyntaas garab socotay ciidamo cagta ah(infantry) oo isugu jiray Yam-yam & Qadaad-weyn. Yam-yam waa ciidamadii la magac baxay King´s African Rifles laga keenay kenya,Ugandha,Tanganyika & Nyasaland(Malawi),waxaana wehliyey ciidamo South African ah oo calooshooda u shaqeystayaal ah;Qadaad-weyn waa Hindi (Sikh Regiment) ;waxaa dagaalka qeyb ka ahaa cawaam Soomaali ah, kuwaasoo geystey gummaad dhab ah,kufsi iyo barakicin.

 

(BRITISH RAID) Deegaankeena dagaal kaa ka duwan kana khatarsan kii dayuuradaha ayaa ka dhacay kaasoo ahaa Biological War oo ahaa in naloo soo gudbiyay cudurada faafa ee dilaaga ah sida:Anthrax(Kudka),Smallpox(furuqa) Pneumonia(oof wareen), Menengitis(Qoor gooye),nooc Duumada ka mid ah kuwaasoo Dad & Duunyaba galaaftay.

 

Tuduc ka mid ah Gabaygii Dardaaran ee Sayid Maxamad:

 

Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqay

annagu diidi meynoo marbaa,daayim noo wacaye

ninkii tiisa loo daynayaa,haygu diirsdo´e

kolna haddaan cidlaga daynahayn,mowdka dabaqdiisa

ninkii haatan nagu diganayow,dan iyo xeeshaa

 

Allah u naxariiste Sayid Maxamad Cabdille Xasan ayaa u geeriyooday cudurka Duumada 21 december 1920.waxaa markhaati ma doonto ah inuu Ingiriis shacabkeena bir-mageydada ahaa uu xilligaas isugu daray barakicin iyo gummaad(genocide).

 

muddo gaaban kaddib Shacabkeenu wuxuu bilaabay wada tashi iyo isabaabul waxaana la guddoonsaday in Saanad(ammunition) loo doonto taliska ciidamada boqortooyada Ethiopia ee qeybta Harar, waxaa sidoo kale ergo loo diray Talyaani oo kolkaa xukumayey Koonfur Soomaaliya.Labada dhinacba waxaa laga helay saanad,illeyn shacabku wuu hubeysnaa waxaa ka maqnaa oo keliya waa Saanad.Waxaa markiiba la qaaday duullaankii dalka lagaga xoreeynayey Cawaamtii Ingiriisku watay ee lagu abaalmariyey laguna deegaameeyey Dalkeenii hooyo,waxaana laga gaaray guulo deg-deg ah oo xuduudeena la dhaafiyay.

 

 

Tuduc ka mid ahaa gabayadii  silsiladii Rayid ee ABWAAN  MAXAMED CUMAR DAGE :

 

Doqonkii la guubaabin jirey dib u guhaadoo dheh

Ogaadeen Dannood iyo Dig iyo durugsey ceelkii dheh
Iiddoor dallaalimo ka waa Doollo iyo Ciid dheh
Daratoole iyo Faafanbuu daakhilkii yahay dheh

Deegaanta Eregeedna waa degel Makaahiil dheh
Deris niman ku jooginiba waa daaqi Xodayood dheh
Daahyaale loo aar colkaad nagu damqayseen dheh
Dagaagoodu waa tuu tubnaa daarihii Herer dheh
Haddaan gaalku noo dilin Isaaq Deleb ma maaleen dheh

Dowladda Federaalka ee Ethiopia ayaa u guntatay iney boorka ka jafto Taariikhdii Daraawiish,wuxuuna Raiisal-wasaare Meles Zenawi ku tilmaamay Sayid Maxamad inuu ahaa geesi halyeey ah,taariikhda afrikana baal dahab ah kaga qoran gaar ahaan halgankii gumeysi diidka ahaa ,wuxuuna ku amray hayadaha dowladda in taariikhda Daraawiish lagu daro manhajka taariikhda ee dugsiyada dalka Ethiopia lagu barto.

 

 

 

Waxaa la dayac tiray qalcaddii ugu dambeeysey ee Daraawiish oo ah halkii lagu aasay Sayid Maxamad ee Degmada IIMEEY,waxaaney maanta ka mid tahay goobaha taariikhiga ah ee Ethiopia. Waxaa sidoo kale xusid mudan taalada Sayid Maxamad ee laga qotomiyay bartamaha Magaalada jigjiga, Waa Halgan aan la duudsiyin heleyna ehel mudnaantiisa mariya kuna faana oo ku dhaata taariikhda halgankooda.

 

2- JABKII OGADEN WAR 1977-1978

 

Jabkii dagaalkaas ka dhashay kaddib Shacabkeenu wuxuu u qaxay Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu degaameeyey xeryo kadeedyo ku yaalay Gobolada Waqooyi Galbeed & Hiiraan ee Soomaaliya.

waxaa kolkiiba na weydaartay oo Taliskii Mengistu uu marti geliyey oo xuduuda ka tallaabay qeyb ka mid ah Jabhaddii Somali Galbeed qeybtii la magac baxday(soo galbeed) kuwaas oo ahaa guutadii 4-aad ee gaaskii Axmed Gureey,kuwaas oo ahaa maleeshiyaad kasoo jeeda waqooyi Galbeed iyo Togdheer,kolkii dambena isurogtay S.N.M. Waxaana saldhig looga dhigay Meesha la yiraahdo Durya.

S.N.M. iyo Mengistu waxey heshiis ku wada gaareen in shacabkeenii u qaxay Soomaaliya la xasuuqo taa beddelkeeduna S.N.M. lagu degaameeyo dhulkeena,ganacsiga deegaankeena loo fasaxo.Mengistu wuxuu u xilsaaray S.N.M. iney xero tababar ka furto Mustaxiil ayna boorka ka jafto haraadigii dooxatadii Koofiyad-Dhuub;dad badan baan aqoon u laheyn Koofiyad Dhuub.

 

Intii uu socday shirweynihii xisbigii Nasrullaahi ee qabsoomay June 1963 kana qabsoomay deegaanka xodayo isagoo lagu gudajiro oo aan la soo gebagebeyn ayaa waxaa isla toddobaadkaas deegaankeena soo gaaray Mooryaan qaarqaawan oo dooxato ah kana timid Dhuusamareeb iyo Ceel-buur waxaana Hoggaaminayey dhagarqabe la oran jirey Maxamed Cabdille Ciyow kaasoo boogaha ka dhayi jirey Isbitaalka Beledweyne;waxaana ka dambeeyey oo qabanqaabadeeda iyo qorshaheeda lahaa Koofiyad-Dhuub dhagarqabe Maxamad Nuur Galaal.

 

 

Sidii ballantu aheyd Dhagarqabe Cabdulqaadir Kosaar oo ahaa guddoomiyihii S.N.M. oo ay la socdaan dagaal oogayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) & Maxamad Xaashi Dhammac(Gaarirye) ayaa Tababar u furay haraadigii Koofiyad Dhuub ee Mustaxiil,waxeyna u sii gudbeen Baareey waxeyna ka fureen xero tababar oo ay S.N.M. leedahay,isweydiinta taal baa ah Baareey iyo IIDOOR ma xuduud bey wadaagaan?

 

muddo kaddib Jabhadihii S.N.M. & U.S.C. waxey ku guuleysteen 26 January 1991 iney xukunka ka tuuraan Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxeyna fuliyeen ballantii Mengistu oo aheyd in la gummaado shacabkeena,waxaanu Waqooyi Galbeed & Hiiraan aanu ku weyney tiro dhan 700,000(toddoba boqol oo kun) oo qof oo u badan Carruur,Haween & Waayeel.

 

KU SOO NOQOSHADEENII CIIDA HOOYO

 

Waxaanu ku soo noqonay ciideena hooyo annagoo habqan ah oo ehelkeena badankiisa lagu xasuuqay xeryo baastii oo ay naga muuqato diif farabadan,arradan oo kaba la´oo jahawareersan,waxaanu ciideeni hooyo marti & magan ugu noqonay qolyihii lagu deegaameeyey dalkeena,kuwaasoo leh awood ciidan iyo mid dhaqaale.25 May 1991 waxaa caasimadda Ethiopia ee Addis ababa soo gaaray xoogaga xaq u dirirka ee EPRDF,waxaana halkaas ku soo idlaaday xukunkii dhiigya-cabka ahaa ee Dergiga waxaana waddanka ka baxsaday dhagarqabe Mengistu,nasiib darro deegaankeena lagama dareemin ilaa laga soo gaaro sannadkii 2008.

 

TUBTA DOWLADNIMO

 

Sannadkii 2008 waxaa loo magacaabay Hoggaanka Nabadgelyada DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ah aqoonyahan dhallin yar ku dhashay kuna barbaaray waxna ku bartay Deegaankeena iskuna kalsoon,kana mid ahaa Maamulka deegaanka.

ugu horreyn wuxuu la shiray qeybaha bulshada wuxuuna sammeeyey la tashi guud waxaana la guddoonsaday inuu abaabulo sidii ciidan deegaanka u dhashay loo hirgelin lahaa,wuxuuna farriintii shacabka u gudbiyay DFI waana laga aqblay.

wuxuu ciidanka Federaalka Ethiopia kala soo wreegay ciidan iyo saraakiil deegaanka ah oo ka tirsanaa ciidanka qaranka,kuwaasoo khibrad ciidan lahaa,waxeyna noqdeen unuggii ugu horreeyey ciidamada Booliska qaaska ah ee Liyu Police. Waxeyna ku guuleysteen muddo sannad ka yar inuu deegaanka ka hanaqaado sharci & kala dambeyn(law & order).

waxaa la adkeeyey xuduudihii furnaa ee argagixisada isaga gudbi jireen,waxaa gebi ahaanba istaagay ganacsigii kontrabaanka xaaraanta ahaa sida : raashiinka iyo daawada dhacday,badeecadaha aan tayada laheyn lacagta been abuurka ah ee Muqdisho laga soo waaridi jirey ee dhagarqabayaasha kala ah: Maxamad Deylaaf & Cabdinuur Darmaan ay xoolaheena ku caddeeysan jireen.

 

 

Waxaa Nabadda deegaankeena ka hanaqaaday markiiba mucaaraday kuwii danaha gurracan ka lahaa deegaankeena;waxaa afka furtay mediyaha Hargeysa & Muqdisho oo leh waxaa la xasuuqay shacabkii,waxaa la kufsaday haweenkii,waxaa la gubay tuulooyin.

sannadkii 2010 waxaa xisbul-xaakimka ka arrimiya DDSI u soo sharraxay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kaasoo heley aqlabiyada codkii doorashada,sidaasna ku noqday Madaxweyne.

Waxey guusha natiijada dooraashada deegaankeena ka qabsoontay u aheyd shacabkeena guul lagu gaari karo horumar deg-deg ah oo deegaankeena gaarsiin doona nabadda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen deegaanada kale ee Ethiopia. dhanka kale waxey guuldarro iyo quus u aheyd kuwii aaminsanaa fikirka dergiga ee dhagarqabe Mengistu.

 

Dhammaad: Qaybtii Koowaad

 

 

 
%d bloggers like this: