Baarlamaanka puntland oo ku guda jira kala fadhigiisii 39 oo
Maanta sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 29/7/2017 ,waxuu ku an sixiyey afar degmo oo dhowaan madaxweyne gaas wareegto ugu magacaabay in ay noqdaan Degmooyin buuxa.
Degmooyinka maanta Baarlamaanka ansixiayy oo gaaraya Aafar ayaa waxay kala yihiin:-
1.Dhudhub
2.Bursalax
3.Shaxda
4.Xumbeys
Golaha Baarlamaanka oo ay fadhiyeen 45-Xildhibaan ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ogolaad 39-Xildhiban,waxaana diiday 1-Xildhibaan,iyadoo ay ka aamuseen Afar-Xildhibaan,sidaa ayayna ku noqdeen ansax.
Magacaabida degmooyinkan iyo ansixinta golaha Wakiilada ee maanta,ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay Bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Degmooyinkaas.