Hot Topics

Video:-Wasiir Xoosha Jibriil oo ka cudurdaartay in uu Baarlamaanka Fadaraalka hor yimaado

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka hor-yimid warqada codsiga ee ka timid Wasiir Xoosh, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ka dhega adeegay u yeeristii Xildhibaanada,

Guddoonka Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in cod la geliyo codsiga Wasiirka ah, waxaana cod qarsoodi ah oo loo qaaday waxaa ogolaatay 85 Xildhibaan in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, halka 77 Xildhibaan ay diideen.

Intii lagu dhawaaqayay natiijada codka ayaa waxaa ka dhashay kulanka buuq iyo Xildhibaano dhex martay inay is tuuraan, kaddib markii Guddoomiye Jawaari uu mid ka mid ah Xildhibaanada ka dafay warqadii ay ku qorneyd natiijada, taasoo keentay in Xildhibaano kale ay kala tuuraan.

Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa markii dambe loo xil saaray inay go’aan ka soo gaaraan in dib u eegis lagu sameyn doono xilka Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo in loo ogolaado mudada uu dalbaday ee 11 -ka Agosto ah, hadii Guddiga isku raacaan in Wasiirka xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo, waxaa loo qaadi doonaa codka kalsoonida,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka