Hot Topics

Maleeshiyo maamulka Cadaado ka tirsan oo qabsaday mareergur

Ciidamo ka tirsan maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay ay gudaha u galeen deegaanka Mareergur ee gobolka Galguduud,
 
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada la wareegay deegaanka Mareergur oo 30km u jirta degmada Dhuusa-mareeb ay ka soo yimaadeen dhanka Degmada Cadaado.
 
Ka hor inta aysan la wareegin gacan ku heynta deegaanka ayaa la sheegay in la maqlay rasaas culus oo ay isweydaarsadeen maleeshiyada maamulka Cadaado iyo Ciidamada Ahlu Sunna oo markii danbe isaga baxay.
 
Dhaqdhaaqyadan ee ciidan ee u dhaxeeya maamulka Cadaado iyo Ahlu Sunna ayaa waxay imaanayaan xili labadii maalmood ee la soo dhaafay uu dagaal culus ku dhexmaray deegaanka Xeraale Ciidamada Ahlu Sunna iyo maleeshiyaad deegaanka ka soo jeeda.
 
Sidoo kale Ahlu Sunna iyo Maamulka Cadaado wada hadal la filayay in uu u bilawdo ayaa dib u dhac ku yimid,labada dhinac ayaa siyaasad haan sika soo horjeeda,iyadoo dhinac kastaaba uu ka arimiyo deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud.