Hot Topics

Garowe:-Caasimada Puntland oo si weyn looga Ciiday

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 01 September 2017 salaadda ciiddul adxaha la oogey shacabka caasimadda  Garoowe.

Salaadda ciiddul adxaha oo lagu tukadey garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha halkaasi kula tukadey salaadda muuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab weynaha magaalada Garoowe.

Kusimaah Madaxweynaha Eng. Camey ayaa ugu horayn hambalyo ku aadan farxadda munaasibadda ciiddul adxaha u diray ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan iyo guuda ahaanba shacabka reer Puntland, waxaana uu sigaara ula qaybsaday dareenka farxadda ciiddull adxaha ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland, isagoona xusay inay suura geliyeen amniga, kala danbaynta iyo xasiloonida Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa caadeeyey in maanta Puntland uu ka socdo kana hirgalay horumar lixaadle oo aanay jirin meel uu ka hirgay Soomaaliya, taasina ay suura geliyeen isku duubnida shacabka iyo dawladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka