Hot Topics

Ciidamada amaanka Puntland oo fashiliyay Qarax la dhigay Suuqa Bosaso

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa ogaaday, kadibna fashiliyay waxlo qarxa oo laga soo buuxiyay Baco kuwaasii oo la dhigay bartamaha wadada ugu mashquulsan, uguna muhiimsan magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso

Ciidamada oo ogaaday qaraxa ka hor intii uusan qarxin ayaa goobta ka saaray ganacsatadii, baabuurta iyo dhamaan dadka shacabka ah ee adeegsanayay wadadaasi, ka dibna waxaa loo yeeray Ciidamada booliska qeebtooda baara Walxaha qarxa waxayna ku guuleesteen in qarxiyaan walxaasi, abaarihii 4:30 daqiiqo xiliga magaaladda Bosaso. Qaraxan ayaan wax khasaare ah gaysan, sida ay horseedmedia u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan oo laga maqlay inta badan magaaladda Bosaso ayaa la dhigay mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka iyo samxadda badan,waana isgoys isku xiran Wadada marta bartamaha magaaladda iyo wadada aad suuqa Caanaha ee Bosaso. Goobtaan ayaa sidoo kale waxaa laga raaca baabuurta dadweynaha ee loo yaqaan PL-ka.