Video:-Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo markale ka hadlay colaada Oromada iyo Somalida

Ra’iisal wasaaraha dalka ethiopia mudane haylamariam desalegn ayaa sheegay inuu manta kuqaabilay xafiiskiisa qaar kamid ah cuqaasha Ugaasyda iyo Odayaasha dhaqanka ee labada Qawmiyadood ee Oromada iyo Somalida Itoobiya,sidoo kale Madaxweynayaasha labada Deegaan.iyo Culumaa’udiinka.
 
RW Haylumaryam ayaa u sheegay Madaxda,Culumada iyo Waxgaradka uu la kulmay in isku dhaca ay abuureen xubno tiro yar,isla markaana ukeeney dhibaato aad u balaaran oo ka dhacday Deegaankaas.
 
Ra’iisal wasaare Haylamaryam ayaa tacsi tiiraanyo leh udirey dadkii ku waxyeeloobey collaaddii ka dhacday labada Deegaan.
 
Ra’isalwasaaraha ayaa ugu danbayntii sheegay in uu arintaas wax ka qabanayo una maaraynayo sida qaabka uu ogolyahay Dastuurka Fadaraalka Itoobiya,isla markaana uu talaabo deg-deg ah qaadi doono,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka