Hot Topics

Dawlada Puntland Oo gurmadkii ugu horeeyay udirtay Muqdisho

Deeqdan maanta u anba baxday Muqdisho ayaa gaaraysa 4-tan oo dawo ah,sidoo kale waxaa qayb ka ahaa gurmadka Dawlada Puntland ee ku wajahan Muqdisho 10-qof oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal Caafimaad.
 
Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Dawlada Puntland oo waftiga iyo kaalmada Puntland hogaaminaya ayaa sheegay in kaalmadan ay tahay hordhac,balse ay jiri doonaan kaalmooyin kale oo ka imaan doona Dawlada iyo shacabka Puntland oo sikugu jiri doona dhaqaale,dawo iyo agab kale.
 
Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Dawlada Puntland ayaa markale Tacsi udiray dadkii ku geeriyooday qaraxaas,sidoo kale kuwii ku dhaawacmay rabi uga baryay in uu u sahlo dhaawacooda.
 
Diyaarada qaaday waftiga iyo kaalmada ayaa goor dhawayd ka duushay garoonka diyaaradaha Kmg ah ee Konoco Garowe.
 
Puntland ayaa ah Dawlada kaliya ee ilaa iyo hada ka gurmatay masiibada ka dhacday Muqdisho.