Hot Topics

Wasiirka Arimaha gudaha Koonfur-Galbeed Oo ku geeriyooday Qaraxii Naasa-hableed

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.
 
Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay geerida Madoobe Nuunow oo goor dhow meydkiisa laga soo saaray Hotelka.
 
Sidoo kale dadka ku dhintay ayaa la sheegayaa inuu ku jiro La Taliyaha Wasiirka Amniga oo lagu magacaabi jiray Zakariye Ciise.
 
Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka ayaa wali is weydaarsanaya rasaas culus, waxaana la maqlayaa qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay adeegsanayaan dableyda hubeysan.