Hot Topics

Alshabaab Oo shaaciyay Magacyada masuulyiinta ay ku dileen Qaraxii iyo weerarkii Hotel Naasa-hablood

Xarakada AL Shabaab oo Bartooda ay ku leeyihii baraha bulshada waxay Kusoo Bandhigeen Magacyada masuuliyiinta ay ku dileen Weerarkii Hotel Naasa Hablood-labo ee Degmada Xamar Weyne Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan ay Magacyadooda soo bandhigeen ayaa qaar ka mid ah geeridooda la xaqiijiyay,halka qayb ka mid ah aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijianaysa,hoos ka akhsri magacyada masuuliyiinta ay soo bandhigeen Alshabaab.

 

( 1 ) Cabdi Naasir Gaarane Aadan EX Xildhibaan Hore Hadana Kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta Ciidamada Dowladda

( 2 ) Korneel Maxamed Yuusuf Nuur ( Fanax ) Taliyihii Saldhiga Booliiska degmada Dayniile Waxaana La Dhintay ilaaladiisa

( 3 ) Xasan Buufoow Korneel Katirsan Nabad Sugidda una Qaabilsanaa Hogaanka Maaliyadda

( 4 ) Gaashaanle Bootaan Taliye Booliis Waxaa La Dhintay Istaafkiisa

( 5 ) Madoobe Nuunoow Maxed Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Horayna Xilal Kala Duwan usoo Qabtay.

( 6 ) Zakariye Gaab La Taliyaha Wasiirka Amniga ee dowladda Federaalka

( 7 ) Maxamed Xasan Xillbinaadii Hore ee Baarlamaankii 9 Sagaalaad Wuxuu Noday Wasiiro dowle Xiligii Xasan Shiiq

8. Qunsulkii Ethiopia u Joogay Muqdisho oo Lagu Magacaabo Abraha Welda ayaa Kamid ah Dadka La Dilay Qarixii Hotel Naasa Hablood Two

( 9 ) Guuleed Muuse Maxamed Aadan Taliyaha Howlgalada Nabad Sugida Qeybta Bari Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis Cabdi Casiis