Hot Topics

Baarlamaanka yurub oo ka hadlay dib u Eegista Dastuurka Soomaaliya iyo cunaqabataynta hubka

European Commission President Jean-Claude Juncker (C) delivers a speech as European Chief Negotiator for Brexit Michel Barnier (R) and former leader of the UK Independence Party (UKIP) Nigel Farage (L) listen during a debate on the progress of the Brexit talks at the European Parliament in Strasbourg, eastern France, October 3, 2017. EU leaders are set to decide at a summit starting on October 19 whether enough has been agreed on the divorce to start discussing the future relationship including a trade deal, as Britain has demanded. But the European Parliament, which will have a final veto on any deal for Britain's departure from the bloc in March 2019, will vote on October 3 on a resolution calling on EU leaders to postpone the decision. / AFP PHOTO / PATRICK HERTZOG

Baarlamaanka yurub ayaa muujiyey in ay garab taagan yihiin Ehelladda dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii bishii October 14-dii iyo 28-keedii ka dhacay magaalladda Muqdisho  oo ay ku geriyoodeen ugu yaraan 358 qof, kuna dhaawacmeen  228 kale.

Baarlamaanka Europe, waxay Qoraalkooda walaac kaga muujiyeen Xaaladda Cunto-yarida ee ka jirta Soomaaliya, waxayna sheegeen in 3 million oo qof ay ku nool yihiin xaalada cunto yari .

Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay ugu baaqeen Dowladaha ku jira Midowga Europe inay DFS ka taageeraan sidii loo xajiin lahaa Maareynta Maaliyadda Qaranka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Dib-u-eegista Dastuurka Qaranka.

Dib u eegista dastuurka soomaaliya ayay sheegeen inay bixinayaan kharashaadka ku baxaya oo gaaraya malaayiin dolar .

Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay kaloo sheegeen in Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya loo adeegsado in lagu maalgeliyo Dagaalladda, waa sida ay hadalka u dhigeen, waxayna ugu baaqeen Guddiga QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia inay adkeeyaan mamnuucista Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay baarlamaanka yurub uu yeesho dood aad u dheer oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya .