Hot Topics

Ciidamada Talyaaniga ee xeebaha Soomaliya jooga oo qabtay burcad badeed

Ciidamada Talyaaniga ee qeybta ka ah Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe Nato ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 6 Burcad-baddeed Soomaali ah iyo Dooni ay Wateen, kuwaasi oo ku Guul daraystay inay qafaashaan Markab nooca qaada Kontaynaradda, kaasi oo Culayskiisu dhamaa 53,000 oo Tan iyo Dooni Kaluumaysi

Markabka Talyaaniga ee lagu magacaabo ITS Virginio Fasan ayaa gacanta ku dhigay Burcad-baddeedaasi oo la Sheegay inay dhowr Gantaalladda Garabka laga tuuro ee  RPG ku weerareen Markabka Xamuulka, inkastoo aysan Shaqaalihii la socday Markabkaasi wax ku noqonin Weerarkaasi.

Dhinaca kale, Ciiddanka Badda Talyaaniga waxay sheegeen inay 6-da Burcad-baddeed ku wareejin doonaan si Sharciga loo marsiiyo.

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa hoos u dhacay falalka afduub ee ka dhaca xeebaha soomaaliya .