Hot Topics

Maxkamada Sare Ee Kenya oo Ayiday Dib U doorashada Uhuru Kenyatta

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay.
 
Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay ansixinta guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.
 
Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari guduhood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.
 
Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo.
 
Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.
 
 
 
Idil News Nairobi