Hot Topics

Madaxweyne Gaas Oo gaaray Adis-Ababa si weyna loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Adis-ababa.

Madaxweynaha oo ka degay gegida diyaaradaha ee Bole International Airport,ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay waxaana kaga hortagay Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Fadaraalka itoobiya.

Madaxweyne Gaas ayaa ku joogi doona Itoobiya booqasho shaqo oo qaadan doonta maalmo,iyadoo uu kula kulmi doono halkaas masuuliyiinta ugu saraysa Dalkaas.

Puntland iyo Itoobiya ayaa leh xiriir soo jireen ah oo qoto dheer,isla markaana dhinacyo badan leh.

Tagida Madaxweyne Gaas Itoobiya ee xiligan kusoo beegantay ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh markii loo eego arimaha ay kawada xaajoon doonaan labada dhinaca ee hada horyaal.