Hot Topics

Wasaaaradda haweenka puntland oo xustay maalinta Caruurta Aduunka .

Garoowe : Munaasabada xuska maalinta dhallaanka adduunka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntlnd ayaa waxa kazoo qayb galay madaxda Wasaaradda haweenka, Mas’uuliyiin Ka tirsn hay’adda Unicef, xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qaar kamid ah carruurta wax ka Barata dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Garoowe.

 

Wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland Maryan Axmed Cali oo munaasabadda furtay ayaa u Hambalyo carruurta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo dhanka kale lagama maarmaan tahay in Carruurta soomaaliyeed helaan xuquuqdooda asaasiga ah.

 

Gudomiye ku xigeenka dalada agoomaha pll bilaal caad ayaa caruurta somaliyed uhanbalyey ilsamarkaana sheegay inla ilaaliyo xaquuqda caruurta

Wasiirku xigeenka wasarada haweenka iyo arimaha qoyska iyo  faaduma farax oo ka socotay unicef ayaa kahadlay Muhiimada ay leedahay maalintan

Qaar kamid ah carruurtii kasoo qaybgashay xuska maalinta dhallaanka ayaa soo bandhigay riwaayado iyo suugaan ay ku muujinayeen tacadiyada carruurtu la kulmaan iyo ahmiyadda leedahay midnimadu.

Maalinta caalamiga ah ee dhallaanka ayaa sanad kasta bisha November 20keeda laga xusaa guud ahaan caalamka.

Qaramada midoobay ayaa fadhi ay yeesheen bishii December 14keedii 1954 ayay ku meelmariyeen in wadamada Caalamka oo dhan maalinta caruurta u aqoonsadaan 20ka November .

Soomaaliya waxay kamid tahay wadamada caruurtu aanay helin badankood xuquuqda waxbarasho taas Bedelkeedana caruur da,yar la askareeyo sida ay sheegtay qaramada midoobay .