Hot Topics

Madaxweyne Gaas iyo wafti Uu hogaaminayo Oo u anba baxay Dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta u anba baxay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.
 
Madaxweyne Gaas ayaa ku hormari doona Dalka Itoobiya halkaas oo kulamo kula qaadan doono Madaxda ugu saraysa Dalkaas.
 
Madaxweynaha ayaa casuumad rasmiya ka helay Ra’isalwasaare Itoobiya Attoo Desale.
 
Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa uga sii gudbi doona Itoobiya Dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka helay isagana casuumad rasmiya madaxda dalkaas.
 
Xaafiiska wararka Idil News Garowe