Hot Topics

Qaramada midoobey oo imaaraatka ku eedaysay faragelin ay ku hayso soomaaliya .

Nweyork : Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay islamarkaana Carqalad ku tahay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci daro hub uga iibisay ama ugu geysay qaar ka mid ah maamulada dalka ka dhisan, taasina ay dhaawac ku tahay cunaqabeynta Hubka ee saaraan Soomaaliya.

Kooxda dabagalka u qaabilsan Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Ay hayaan cadeymo ku saabsan Hubka ay dowladda Imaaraadka ay siisay qaar ka mid ah dawladdaha xubnaha Dawladda dhexe ee soomaaliya .

Warbixinta ayaa lagu xusay in Markab ay leeyihiin ciidamada Midowga Yurub uu gacanta ku dhigay Markab laga soo Raray dalka Imaaraadka oo ku socday Soomaaliya.Waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu sharci daro uu yahay Saldhigga dowladda Imaaraadka ee Berbera, islamarkaana uu khatar ku yahay ammaanka Soomaaliya.