Hot Topics

Video:-Mugabe Oo laga qaaday xilkii hogaaminta Xisbiga talada haya Ee ZANU-PF

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Harare ee caasimadda Zimbabwe ayay xubnaha xisbiga haya talada Zimbabwe kusoo af jareen ku dhawaad 40 sano oo uu madaxweyne Robert Mugabe soo hogaaminayay xisbiga ZANU-PF.

Dhamaan xubnaha xisbiga ayaa isku raacay in madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa uu yahay hogaamiyaha xisbiga ZANU-PF.
Hogaamiyaha cusub ee maanta loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga, Mr. Mnangagwa ayaa loo arkaa inuu noqon doono madaxweynaha dalka Zimbabwe. Dhawaan ayaa waxaa shaqada madaxweyne ku xigeenka ka eryay madaxweynaha uu hadda xaalka ku xunyahay ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe.

Xisbiga ayaa sidoo kale marwada madaxweyne Mugabe, Garace ka qaaday xilkii hogaamiyaha qeybta haweenka ee xisbiga, isla markaana xubinnimadii xisbiga iyada kala noqday.

Chris Mutsvangwa oo ka tirsan Guddiga Dhexe ee ZANU-PF ayaa sheegay inuu sii dhamaanayo wakhtihii wadaxaajoodka ee madaxweyne Mugabe, isla markaana ay u wanaagsantahay inuu xilka ka dago inta ay goori goor tahay.

Waddo kale oo xilka looga qaadi karo madaxweyne Mugabe ayaa ah in baarlamaanka uu ku sameeyo shaqo ka joojin. Afhayeenka baarlamaanka Zimbabwe, Innocen Gonese ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in haddii uusan madaxweyne Mugabe xilka banneyn Talaadada soo socota ay si dhaqso ah u billaabayaan hannaanka ay xilka uga qaadayaan,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka