Hot Topics

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay gudoomiyaha gobolka karkaar .

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa waxaa Maanta lagu Magacaabay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Karkaar.

Xilkaan ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdulaahi Maxamed Barre Caato kaas oo horay u soo noqday wasiir Ku Xigeenkii  Wasaarada Xanaanada Xoolaha xiliiga uu Puntland Maamulayay Generaal Cadde Muuse Xersi.

Sidoo kale xilka gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa waxaa horay u baneeyay Cabdullaahi Siciid Xersi Dhaqaajiye oo hadda ah Wasiirka Maaliyadda Puntland.