Hot Topics

Video:-Muxuu ka yiri safarkiisa Itoobiya Madaxweyne Gaas?

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa u anba baxay  dalka Itoobiya.

 Madaxweyne Gaas oo gaaray haatan dalka Itoobiya,ayaa waxaa garoonak Diyaaradaha ee Bole Internaitional Airport kusoo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumada dalkaas.
Madaxweynaha oo casuumad rasmiya ka helay Ra’isalwasaare Desale,ayaa la filayaa in ay kawada xaajoodaan arimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin..
 
1.Iskaashiga Amniga labada dhinac
2. Ganacsiga gobollada xuduudaha wadaaga
3.Xaalada Guud ee Geeska Africa.
 
Puntland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah waxaana labada Dal caasimadahooda kala jooga Diblomaasiyiin heerkoodu sareeyo oo ka shaqeeya xiriirka labada dhinac,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka