Hot Topics

Talyihii Booliska qaybta galbeed ee Dawladda dhexe oo xilka laga qaaday .

Taliyihii Qaybta Galbeed ee booliiska soomaliya G/le Sare Maxamed Daahir ayaa caawa xilka laga qaaday ,waxaana xilka looga qaaday wareegto kasoo baxday Xafiiska Ku-simaha Taliyaha Booliiska Generaal Mukhtar Xuseen Afrax.

Xil ka qaadista G/le Sare Maxamed Daahir, waxay ku timid kadib markii uu u gacanqaaday Ku-simaha Taliyaha Booliiska afar maalin ka hor.

Gacan qaadka uu sameeyey G/le Sare Maxamed Daahir ayaa dhacay xili Saraakiisha ugu sareysa Booliska ay ku jireen shir amniga khuseeyay, waxana uu falkaan dhacay kadib markii Ku-simaha Taliyaha Booliiska uu amar duldhigay Maxamed Daahir.

Dhinaca kale, Ku-simaha Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in G/le Sare Maxamed Daahir uusan xil u heyn Taliska Booliska sababo la xiriira amar diido iyo gacan qaad uu sameeyay.