Hot Topics

Video:-Musharax Ciro Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Doorashadii Madaxtooyo Ee Somaliland

Musharax Xisbiga Waddani ee Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa caawa ku dhawaaqay inuu qaadacay doorashadii Madaxtooyada ee dhacday 13-kii bishan, isagoo caddeeyay inay dhacday musuq maasuq iyo ku shubasho.
 
Shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay Magaalada Hargeysa Musharax Cirro ayuu kaga dhawaaqay in doorashadii dhacday 13-kii bishan November aanay u qabsoomin doorashadaas si xor ah oo xalaal ah.
 
Musharax Cirro ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 13-kii bishan la xir xiray taageerayaasha iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani, loona geystay jirdil iyo handadaad.
 
“Waxaa ayaan darro ah in aanay inoo qabsoomin doorasho xor iyo xalaal ah 13-kii bishan November, waxaa dhacay doorashadii kaddib dhib weyn oo dhiig badan ku daatay, waxaa ku jira dadka dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray carruur yar”ayuu yiri Musharax Cirro.
 
Musharax Cirro ayaa ka dhawaajiyay in dadkii u codeeyay doorashada ay ku jireen carruur aan qaan-gaarin, oo isugu jiray carruur 7 sano jir iyo kuwo dhowr iyo toban jir ah, waxaana uu intaa ku daray in xitaa dad geeriyooday ay codeeyeen.
 
Waxaa uu qiray inay dhacday in waraaqihii doorashada ay banaanka u baxeen, sidoo kale sanaadiiqda dhamaan degmo doorashooyinka ka dhaceen ay ka bateen tiradii loogu tala galay oo uu ku tilmaamay in ku shubasho iyo musuq maasuq ay ka dhacday.
 
Cirro ayaa ugu dambeyntii si cad  usheegay in aanay aqbali doonin xaq darro iyo wax sharciga baal marsan, isla markaana u balan qaadayo taageerayaasha Xisbiga Waddani in xaqiijinta helitaanka xuquuqdooda uu ku raadin doono dariiq nabadeed.
 
Hadalka Musharax Cirro ayaa ku soo aaday, iyadoo wali aysan shaacin Guddiga doorashada Somaliland natiijada doorashadii dhacday 13-kii bishan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka