Hot Topics

Al-Shabaab oo ka jawaabay Qoraal uu soo saaray Maraykanka

Ururka Al Shabaab oo war qoraala soo saaray ayaa si xoogan u beeniyay in ciiidama Mareykanku uu duqayn ku dilay 100 ka mid ah dagaal-yahanadooda, iyagoo meesha ka saaray in hal askari xitaa uusan kaga dhiman duqaynta uu Mareykanku sheegtay.
 
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay duqaynta barqanimadii shalay ka dhacday Deegaanka Buurcadde in lala eegtay xero ay Shabaabku leeyihiin, waxayna xuseen in howl-galkaasi lagu dilay 100 ka mid ah dagaal-yahanaada Shabaabka.
 
Sheykh Cabdi Casiis Abuu Muscab, Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andalus ayaa tilmaamay in warkaasi uu yahay waxba kama jiraan.
 

 “Warka ka soo yeeray dowlada Mareykanka waa been aan sal iyo raad midna lahayn. Ma jirto wax duqeyn ah oo lagu beegsaday Mucaskaraatka Mujaahidiinta, mana jiro xitaa hal Mujaahid oo ay beegsadeen diyaaradaha Mareykanka” ayuu yiri Abuu Muscab.

 
Marka laga yimaado qoraalka beeninta ah ee ka soo yeertay Al Shabaab, ayaa waxay dadka deegaanku xaqiijinayan inay maqleen illaa sideed gantaal, isla-markaana aanay jirin waxyeelo ka soo gaartay rayidka. Deegaanka la beegsaday waa dhul buuraley ah, beerana ay ku yaalaan.
 
Dowladda Maraykanka ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay u balaarin lahayd weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Donald Trump.