DEG DEG – Baarlamanka Somalia oo la hor-gaynayo Sharciga la dagaalanka Argagixisada

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho ayaa la horgayn doono hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo xakameynta hubka wax dila. 
 
Kulanka maanta waxaa mudanayaasha Baarlamanka Qaranka  hortagi doona wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale, isagoona warbixin ka siin doona xildhibaanada sharcigan ee la filayo in la meelmarin doono warkii ay soo idlaato akhrinta iyo ka doodista sharcigaasi.  
 
Sharciyadaan ayaa golaha wasiirada Xukuumadda Somalia markii ay ansixiyeen waxa ay sheegeen in uu yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in Golaha Shacabku ay meel mariyaan Aqrimaha 1-aad 2-aad iyo 3-aad kadib. 
 
Hindise sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada waxa uu fududeynayaa in si cad loo beegsado shaqsiyaadka ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab iyo Daacish ee ka howl-gala gudaha Somalia.