Hot Topics

Nairobi – Dowladda Somaliya oo kulan la qaadatay Madaxda Ahlu Sunna.

Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa kulan la qaatay hogaamiyaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Macalin Maxamud. 
 
Wasiir Garaad ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qoray in uu kulan gaar ah la qaatay hogaamiyaha maamulka  gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, islamarkaana ay kawada hadleen arrimo dhowr ah. 
 

“Waxaan kulan kula qaatay Nairobi, laba mas’uul oo sare oo Ahlu Sunna ah. Waa Macallin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir,s i gaar ah waxaan isaga wareysannay marxaladda siyaasadda iyo dib u heshiisiinta siiba Goballada Dhexe” ayuu yiri Garaad.

 
Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia Yusuf Garaad iyo madaxda Ahlu-Suna ayaa imanaaya xili ururka Goboleedka IGAD markale isku dayayo is fahan ka dhax dhaca Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna.
Marka laga tago kulan Yuusuf Garaad iyo Masuuliyiinta Ahlu Sunna, waxaa jirta isku dayo kala duwan oo la doonaayo in si rasmi ah ay isku raacaan Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna, iyadoo Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda Ahlu Sunna Nairobi kulamo kala duwan ay isugu arkeen.