Hot Topics

Ruushka oo beeniyay Qarax ku yimi Nukliyeer-keeda iyo Hawada Yurub oo wasakhaysan

Shirkadda Nukliyeerka Ruushka ee Rosatom ayaa beenisay in qarax ku yimi qalabkoodu, kaasi oo sababtay in kor u kaca tirada sunta hawada wasakhaysa.
 
Mac-hadka badbaadaha Nuyuukleerka ee fadhigiisu yahay Faransiiska ayaa baahisay in ay hawada Yurub laga helay maadada Ruthenium oo xad dhan 1,000 jeer ka saraysa heerka caadiga ah.
 
Xogta uu baahiyay Mac-hadka badbaadaha Nuyuukleerka  ee Faransiiska waxay ku cadeeyeen in sunta hawada gashay ay ugu wacan tahay shil ku yimi Nuyuukleer-ka yaala Ruushka ama dalka Kazakhstan.
 
Wakaalada saadaasha hawada Ruushkana waxayna dhankeeda qirtay in ay hawada wasaqaysantahay.
 
Dowladda Ruushka ayaa leh mid kamid ah xarumaha ugu weyn ee Nukliyeerka ee gobolka, kuwaas oo ah Mayak, Reatlykinta iyo shirkadda soo saarta Plutonium oo la dhisay intii u dhaxaysay 1945 – 1948, isla markaana qayb ka ah mashruuca bamamka ee midowga Soviet-ka.