Hot Topics

Diyaarad Milateri oo marayakanku leeyahay oo ku burburtay Badda Pacific .

Diyaarad  Milatari oo Mareykanku leeyahay oo ay la socdeen   11 qof oo isugu jiray shaqaale iyo Rakaab ayaa ku burburtay badda Pacific, ee koonfur bari magaalada Okinawa.

Wasiirka difaaca dalka Japan, Itsunori Onodera, ayaa saxaafada u sheegay in lasoo badbaadiyay 8 kamid ah dadkaan ,qaarka kalena la la’yahay, wuxuuna intaas ku daray in Maraykanka iyo Japan ay si wadajir ah u raadinayaan shaqaalaha aan weli lahayn

Diyaarada shilka gashay ayaa ku socotay Markab Milatari oo lagu magacaabo USS Ronald Reagan, kaasoo ku sugnaa Badda Philippine.

Wasaaradda gaashaandhiga Japan ayaa sheegtay inay dirtay Maraakiib raadisa burburka diyaaradan .

Weli lama cadayn sababta ka dambaysay Burburka diyaaradan .