Hot Topics

Jeneral Siciid Dheere Oo ka warbixiyay hawlgalka Bari Ee la dagaalanka Daacish

War Qoraal ah oo uu bartiisa Fc-ga soo dhigay Talyaha Guud ee ciidamada difaaca Puntland ayuu kaga warbixiyay hawlgalo ay dhawaanahan Ciidamadu ka wadeen dhulka Buuralayda ah ee Bari Puntland.

 

Qoraalka uusoo dhigay bartiisa Talye Siciid Dheere aya uqornaa sidatan:-

 

 

Waxaan Shacabka reer Puntland la wadaagayaa hawlgal ka dhan ahaa burcad diimeedka Daacish oo laga fuliyey Gobolka Bari

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Difaaca #Puntland oo maalmahan hawlgallo ka waday deegaano hoos yimaada degmada #Qandala hawlgalkaas oo ahaa mid looga saarayey burcad diimeedka Daacish oo dhib badan ku hayey shacabka reer Puntland ee degan deegankaas.

Waxaa la gaarsiyey khasaare looga gubay dhamaan wixii ay haysteen oo raashin ahaa oo ku jiray godod, waxaana looga qabtay agabka laga sameeyo qaraxyada oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka reer Puntland. haddana waxay ciidanku ku daba jiraan firxadkii cadowga.

Dhulka cadowga burcad diimeedka #ISIS DAACISH laga xoreeyey waa kuwan hoos ku qoran

Degaaanka Xijiijle, Tuurmajaale, Afdharimeed, haraaryo, Qurac, Daray madow, Af-dudumo, Sheebaab, Dufaan, Dhaadaar & Buqo. oo hoos taga degmada Qandala.

Waxaan u hambalyeynayaa dhamaan Saraakiishii, Saraakiil-xigeenkii & Dablaydii ka qaybqaadatay hawlgalkaas.