Hot Topics

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka iyo Dowlada dhexe Oo markale isku dhacay

Warqad ka soo baxday Golaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha ahna Madaxweynaha dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in dowlada dhexe ay jabisay qodob ka mid ah qodobadii 5-ta ahaa ee layasku afgartay shirkii Muqdisho.

Golaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka, ayaa sheegay in xilligan ay jiraan Hindise sharciyeedyo aan lagala tashan, kuwaasoo horyaala Golaha shacabka, halka qaarkood la ansixiyay, kaasoo ugu dambeeyay Hindise sharciyeedka Biyaha.

Golaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka,ayaa ka codsaday Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka  in la joojiyo dhamaan Hindise sharciyeedyada ay soo gudbineyso Xukuumadda ka doodistooda iyo ansixintooda, inta Xukuumadda ka fulineyso qodob ka mid ahaa heshiiskii 5-tii bishan dhex maray dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.

Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka iyo dowlada dhexe ayaa ku heshiiyay aan la horgeyn Golayaasha Baarlamaanka  hindise aan lagala tashan dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.

 

 

Akhriso Codsiga Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada soo saareen:-