Hot Topics

Gudoomiyaha Barlamaanaka Jabuuti oo lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho .

Magaalada Muqdisho Waxaa maanta soo gaaray  Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaari Soomaaliya,balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.