Hot Topics

Soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle Mohamed oo ka socota Magaalada Muqdisho.”

U diyaar garowga soo dhaweynta ugaaska Bessha Yusuf Daarood (Awrtable) Ugaas Cumar Geelle Mohamed oo si wanaagsan uga socta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

Waxaaan aad ugu mahadcelinayaa Cid kasta oo masuuliyad dheeri ah iska saarta soo dhaweynta Ugaaska.

Ugaas Cumar kaliya Ugaasnimada waa aqoon yahan wax badan ka soo shaqeeyey wasaaraddii wax barashada Somalia,sida oo kale wuxuu ka mid ahaa raggii seeska u dhigay dowladii TFG ee Carta lagu soo dhisay,madaxweyne uu ka ahaa UAN Cabdullaahi Yusuf Ahmed…..

Waxaana la is dhihi karaa maantay mirahaas waxaa guranaya siyaasiyiin baddan oo qaar-na ay dalka Hoggaankiisa soo qabteen qaar-na ay ka mid yihiin Farmaajo iyo Khayre ay dhex joogaan madaxtooyadii ay dowladdaas xaarxaartay.

Ugaas Cumar Gelle Mohamed wuxuu kaloo ka mid ahaa raggii dhisay dowladda Puntland ee Somaliyeed 1998, lagu dhisay Garoowe ,haddana uu hoggaankeeda hayo Mudane Abdiweli M. Ali.

Ugaaska ayaa indhaweyd ku noolaa dalka Uk ee Caasimadiisa London,noqoshada Ugaas ka ayaa la is dhihi karaa waxay tusaale u tahay qof kasta oo Somalia oo dalkiisa jecel in uu ku laabto,kana qayb-qaato.tallo,Toosinn iyo tabarucaad intaba.

 

 

W/Q.Cabdixakim Cabdi Ismaciil ilkadhagax.