Hot Topics

Video:-Zimbabwe cusub Oo curatay iscasilaadii Mugabe kadib

Hogaamiyaha lagu wado in uu qabto xilka madaxwaynanimada Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa bogaadiyay dimuqraadiyadda cusub ee ka dhalatay dalkaasi.

Mr Mnangagwa ayaa dib ugu soo laabtay dalka Zimbabwe si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay.

Waxa uu wacad ku maray in uu shaqooyiin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la’aan.

“Waxa aan doonaynaa in aan kobcino dhaqaalaheena,waxa aan doonaynaa nabad,waxaan doonaynaa shaqooyiin,” waxa uu sidaas u sheegay dad aad u faraxsanaa oo isu soo baxay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka