Hot Topics

Dawladda Imaaraatka oo bilaabaysa Dhismaha saldhigeeda Milateri ee berbera.

Shirkadda Divers Marine Contracting LLC ayaa sheegtay inay bilaabeen Dhismaha Saldhigga Ciiddanka Badda Imaaraatku ka dhisayo magaaladda Berbera .

Agaasimaha Maamulka Shirkasddaas, Cabdalla Darwiish oo Wareysi lagula yeeshay magaalladda Dubai ayaa sheegay in bishii April ee sannadkan la siiyey Qandaraaska Dhismaha Saldhigga Berbera oo ay ku baxayso lacag dhan 90 million oo Dollar

Waxa uu intaasi ku daray in Saldhigaasi  ahayn mid Ganacsi ee uu yahay Saldhig Milliteri oo yeelan doona Garoonka Diyaaradaha Milliteriga.
Mar wax laga weydiiyey Hadafka Garoonkaasi waxa uu tilmaamay inay Maraakiibta Dagaalka ilaalo ka qaban doonaan Gacanka Carbeed.

Magaalladda Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed waxay 200-KM dhanka Koonfurta u jirtaa Xeebaha dalka Yemen, halkaasi oo ay ka hawl-galaan Ciiddanka Imaaaraadka Carabta ee qeybta ka ah Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga.

Dhinaca kale, Cabdalla Darwiish waxa uu xusay in  Saldhigaasi oo laga dhisayo meel ku dhow Dekedda Berbera la  soo gebagebayn doono bisha June ee sannadka soo socda ee 2018-ka.