Hot Topics

Raysalwasaare Khayre oo dhagax dhigay xabsi cusub oo laga dhisayo baydhabo .

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada baydhabo kaga qeyb galay munaasabad lagu dhagax dhigayey Xabsi cusub oo laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xabsiga oo qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala kaashaneysa Beesha caalamka ayaa laga dhisayaa duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu maanta ku dhagax dhigay Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa dhagax dhiga xabsiga cusub ee laga dhisayo magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Ujeedka laga leeyahay dhismaha xabsiga cusub ayaa lagu sheegay in baahi weyn oo dhanka xabsiyada  ah ay ka jirto deegaanada Koonfur galbeed,islamarkaana xabsiga hadda dhisan uu qaadeyn tiro badan oo maxaabiis ah hadana uu la ciir ciirayo kuwa ku xiran.

Maamulka Koonfur -galbeed ayaa bilaabaya hirgelinta xarumihii dowladda .