Hot Topics

Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay Xoraynta deegaanada shabaab ka haystao Jubbaland .

Madaxweynaha Jubaland Axmed Max’ed Islaam ayaa shir gudoominayey shirka todobaadlaha ee ay yeeshaan golaha wasiiradda ee jubbaland .
shirka maanta ayaa diiradda lagu saaray arimo kala duwan oo uu ammaanku kamid ahaa gaar ahaan sidii deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan ee Jubaland looga saari lahaa, dib u eegista guddiga qaxootiga, dhismaha hanti dhawraha guud iyo arimo kale.

Shirka markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan, isagoo sheegay in shirka looga hadlayay arimo badan.

Waxa uu xusay in warbixino laga dhageystay wasiiro uu ka mid yahay wasiirka amniga Jubaland oo ka warbixiyay xaaladda guud ee ammaanka Jubbaland.

Golaha wasiirada ayuu sheegay in ay ka doodeen arimahaasi, islamarkaana la isku raacay in si wadajir ah loogu istaago sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaanada ka maqan gacanta maamulka ee Jubbaland.

Dhinaca kale, golaha ayaa ka dooday arimo ku saabsan ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka ee la Filayo in dhawaan lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, ayadoo goluhu isku raaceen in loo diyaargaroobo cayaarahaasi, islamarkaana laga qeybqaato sidii ay ciyaaruhu ugu qabsoomi lahaayeen jawi wanaagsan.