Hot Topics

Taliyihii hore Ciidamada Boosniya Ratko Maladiji oo ku eedaysnaa xasuuqii muslimiinta oo xabsi daain lagu xukumay

Ratko Maladij oo ahaa Taliyihii hore ciidamada Boosniya ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Caalamiga ee qaadaysa Dembiyadda Dagaalka ee ka dhacay dalkii la oran jirey Yogoslavia, oo ku taalla magaalladda Hayg ee dalka Holland.

 

Ratko Maladij   oo 74-jir ah  ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in  kadib, markii lagu helay inuu ka dambeeyey falkii lagu xasuuqay 8,000 oo qof  Muslimiinta Bosniya oo lagu dilay magaalladda SERBENIIJA.

Garsooraha Maxkamadda,  Alphons Orie ayaa sheegay Kooxihii dilalkaasi ka geystay magaalladdaSEBRANIIJA qorsheynayeen inay wada dilaan Muslimiintii halkaasi ku noolayd.

Garsooruhu waxa kale oo xukmiyey inuu , Ratko Maladij shaqsi ahaan mas’uul ka ahaa Duqeyntii iyo Toogashadii dadkii lagu dilay magaalladda SARAJEEFO.