Hot Topics

Fiiladii Viber-Optic Ee Xambaari lahayd Xawaaraha Internetka Oo Bosaso soo gaartay

Maanta waxaa Magaalada Bossaso la keenay Fiiladii Viber-Optic Ee Xambaari lahayd Xawaaraha Internetka Dheereeya.
 
Fiiladan ayaa lasoo mariyay Badda Shirkaddaha Golis Iyo Oman-Tel ayaa iska kaashaday. Reer Puntland waa u Hamuun qabeen Adeegaan Internetka Dheereeya.
 
Waxii maanta ka danbeeya Puntland waxay ka bixi doontaa dhibaatadii ka haysatay Internedka.
 
Shacabka Puntland ayaa dareemi doona bilaha soo socda horumar xoog leh oo laga gaaray xawaaraha isticmaalka Internedka..
 
Shirkada Golis ayaa hirgalisay mashruucan kor loogu qaadayo xawaaraha Internedka Deegaamada Puntland.
 
Waa talaabo ay bogaadiyeen shacabka iyo xukuumada Puntland oo horumar lagu faani karo ah.