Hot Topics

Video:-Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo awoodda la wareegay

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa khudbad ka jeediyay garoon ciyaareed oo ay dad soo buuxdhaafiyeen, wuxuuna wacad ku maray in uu u shaqayn doono dhammaan muwaadiniinta Zimbabwe.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu jagadan qabto.

Wuxuu ammaan kala dul dhacay madaxweynihii uu badalay Robert Mugabe, isaga oo ugu yeeray, Aabo, ababiye, nin ay ciidammada ka soo wada shaqeeyeen iyo hogaamiye, dadkii ayaana aad ugu sacabeeyay.

Mugabe ayaa si layaableh xafiiska u banneeyay ka dib 37 sano oo uu xukun kaligitalisnimo ah dadka ku maamulayay.

Xil katagitaankiisunu wuxuu dabo socday awood isku qabqabsasho horseeday in Mnangagwa laga eryo madaxweyne ku xigeennimadii, si wadada loogu xaaro in Grace Mugabe oo ah xaaska Mugabe ay xilka la wareegto.

Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.

Mucaaradka ayaa ka codsaday Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka