Video:-Masaajid Masar ku yaalla oo lagu dilay ugu yaraan 230 ruux

Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar bam iyo rasaas kale loo adeegsaday ku qaaday masaajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar iyaga oo dilay ugu yaraan 230 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka