Hot Topics

DEG DEG: Garowe oo Xog-haye cusub yeelatay (Akhriso)

Garowe – Digreeto ku suntanayd L. No. 7 oo ka soo baxday xafiiska  Wasiirka Arimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Cabdulaahi Cali [Tima-cadde] waxaa lagu magacaabay xog-hayaha cusub ee degmada Garowe.

Wasiir Dhaga-cadde ayaa xog-haye cusub u magacaabay Maxamuud Cali Xassan, kadib muddo labo sano ah oo xilkaasi hayay Cabdiqafaar Cabdirahmaan,  isla markaana dhawaan shaqadii ka joojiyeen golaha deegaanka Garowe, iyagoona ku eedeeyay shaqo gudasha la’aan.

Xog-hayahan cusub ayaa horay u soo noqday Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda wadooyinka Puntland [PHA].

Hoos ka akhriso digreetada lagu magacaabay Xog-haye Maxamuud.