Hot Topics

Ammaanka Kenya oo la adkeeyay.

Nairobi- Amaanka guud ee Dalka Kenya ayaa la adkeeyay ,iyadoo xilli dhow ay si toosa u bilaami doonto caleema saarka Madaxwaynaha cusub ee Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Caleemasaarka Kenyatta waxaa bar bar socday banaanbax ay ku baaqeen hoggaamiyayaasha mucaaradka Kenya oo sheegay in Nairobi iyo Gobollada kale ee dalka ay ka dhici doonaan dibadbax ka dhan ah Kenyatta. 

Madaxweynayaasha ka qaybgelaya caleemasaarka Kenyatta waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalayba ku hoyday Nairobi. 

Madaxda kale ee ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah:-

  • Uganda – Yoweri Museveni
  • Botswana – Ian Khama,
  • Rwanda -Paul Kagame
  • Tanzania– John Pombe Magufuli
  • Zambia – Edgar Lungu
  • Djibouti – Ismaïl Omar Guelleh
  • Namibia – Hage Geingob,
  • Togo – Faure Gnassingbé
  • Ethiopia – Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn . 

Madaxweyne Ku-xigeennada ka qaybgalaya caleemasaarka Kenyatta waxaa ka mid ah:-

 Nigeria, Guinea, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi, iyo Yemen. 

Senegal, China iyo  Japan,ayaa u dirtay wakiillo, halka waddamada Koofur Afrika ,Britain, Ukraine,  iyo India ay wasiirro ka qayb-qaadanayaan caleemasaarka ka socda Nairobi.