Hot Topics

Maraykanka Oo Horjooge Daacishta Puntland ka tirsan Dukhayn ku dilay

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Maraykanka u qaabilsan Afrika ‘AFRICOM’ ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iskaashanaya ay dukheeyeen deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyada kooxda Daacish.
 
Dukhaynta oo ka dhacday deegaan ka mid ah Puntland ayaa qoraalka lagu sheegay in lagu diley mid kamid ah horjoogayaasha kooxda Daacish.
 
Qoraalkan ayaa lagu cadeeyay in weerarkan uu dhacay casar liiqii maanta oo Talaado ah,sidoo kale Taliska Maraykanka ee Africom uu sii wadi doono dukhaynta ay ka geysanayaan deegaano ka mid ah Somaliya.
Halkan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Taliska Africom:-