Hot Topics

Muqdisho:-Madaxweyne Farmaajo Oo Uu anba baxay dalka Kenya goor dhawayd

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabduaahi Farmaajo,ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.
 
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya.
 
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
 
Magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas,ayaa waxaa ku sii qulqulaya madax ka socota caalamka kuwaasoo ka qeybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Kenya